Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa in uu yaraado biyaha wabiga shabeele. Yuusuf Axmed dabageed ayaa sheegay in biyo yaraanta ay ka dambeyso kadib markii Ethiopia ay biyo-xireen weyn ka sameystay gudaha dalkeeda. Sababta kale ayuu ku sheegay in ay tahay roobab yarida jirta, balse gudoomiyaha Hiiraan ayaa shaaciyay in Ethopia aysan weli kala hadlin biyo xereenkaasi.
Arintani ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa iyada oo biyo la’aan iyo abaaro laga soo sheegayo qaar kamida goboladda dalka soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in biyo la’aantan oo kale ay timi sanado kahor.
Itoobiya ma sheeguin in ay biyo xireen ka samaysay wabi shabeelle oo intiisa badan isagu ahayn wabi buuxa oo sanadaha qaar madhan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay