X

Booliiska badankoodu waa laaluush qaateyaal: Sh Kiiniyaawi

Sheekh Kiiniyaawi oo baryahan Muqdisho ka waday barnaamijka cafi walaalkaa ayaa kulan la qaatey booliiska magaalada Muqdisho kuna qarxiyay inay dhamaantood yihiin laaluush qaateyaal. Booliska goobta taagnaa ayaan jeclaysan hadalka sheekha. Sheekh Kiiniyaawi ayaa dhinaca kale sheegay in tani wax u dhinayso hawlihii loo igmadey.


“Waa in runta la isku sheego waxaa la yiraahdaa Booliska badankoodu waa xaaraan quutayaal oo waxa ay qaataan laaluush, waxa uu arkaya Gaari qarax wada laakiin kaliya lacag ayuu ka qaadanaya wuuna iska sii deynayaa, waxaana loo baahanyahay in Illaah aad ka cabsataan oo aad waxaasi ka waantoobdaan” ayuu ka hor sheegay Sheekhu raaciyay.


Sheekha Kiiniyaawi ayaa lagu canaantey inuu ka meermeeray cadowga ummada ee kooxda gaaleynta asagoo marna kaga hadal qudbadihiisa taasi oo ah fursad dhaaftey sheekha.


Marna ma dhihin dhalintu hala shaqeeyaan dawlada si dalku isku filnaansho u gaaro, hala dagaalamaan cadowga ummada ee kooxda gaaleynta shabaab afkiisa lagama hayo, marka way fiican tahay in mowqifkaaga la ogaado.

C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS


admin:

This website uses cookies.