X

Dhacdo foolxun oo ka dhacdey Jowhar iyo haweenay cadaalad loo raadinayo

????????????????????????????????????

Dhacdadan foosha xun ayaa ka dhacdey nawaaxiga magaalada Jowhar oo ay hore uga dhaceen dhacdooyin naxdina. Gabar ayaa lagu kufsadey Jowhar kadibna si arxan daro ah loo jarjaray jirkeeda.


Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Burus) oo ah Wasiiro dowlaha Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Maamulka HirShabelle ayaa si adag uga hadashay dhacdada.


Sacdiyo Burus ayaa Taliska Ciidamada Booliska iyo Maamulka Hirshabelle ku Eedeysay in inta badan aanay Cadaalad helin Haweenka Dhibanayaasha ah ee qaarkood hore loogu kufsaday Gudaha Magaalada Jowhar.

Dhacdadaan foosga xun ayaa waxa aad uga xanaaqay dadka deegaanka iyo ehelada fabadha sida xun loola dhaqmey ee ka baxsan diinta. Waa nun laba dembi ku jira.


Booliiska ayaa lagu yaqaan musuq lagamana yaabo in cadaalada lahorkeeni, ayadoo haweenay 85 jir io ahhore loo kufsaday ay sugeyso cadaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.