X

Booliiska Berbera oo wiil dhalinyaro ah ku diley magaalada iyo mudarahaad kadib dhacay

Ciidamada Booliska ayaa xalay Fiidkii Dilay Wiil Dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed(Midhkasiiye), iyadoo xabsiga loo taxaabay Lix Askari oo laala xidhiidhiyey inay ka danbeeyen dilka wiilka dhalinyada ah. Waxa kaloo, Wararka Qarannews ka heshay Berbera ay sheegay in dilka wiilkaasi uu ka dhashay mudaharaad ballaadhan oo ka dhacay xaafadda Finland ee Berbera.

Mudaharaadkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid baaxad leh, isla markaana saameyey magaaladda, Masuuliyiinta Gobolka iyo sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa kala dareeriyey dadkii gadoodsana, sidoo kale-na Ciidamada Amaanka ayaa Sugaya Goobtii Mudaharaadku ka dhacay.

Geesta kale dadka ayaa taayiro ku gubay wadooyin, xidhayna dhamaan wadooyinka halbow-layaasha ah ee magaaladda dhex mara. Waxa iyana arrinkaas dejintiisa door weyn ka qaatay Waxgaradka xafaada Finland, Marxuum Axmed(Midkasiiye) ayaan la garanayey waxa sababay iyo cilaada keentay inay is afdhafan Ciidamada Booliska.

Mar aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino saraakiisha ciidamada Booliska Berbera ayaanay noo suuro gelin xiisadda oo kacsanayd awgeed.

Rooda Axmed Yaasiin ayaa ku tilmaantey wax laga xumaado dilka dalbateyna in lala xisaabtamo askariga dilka gaystey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.