X

Booliiska Faransiiska oo su’aalo weydiiyay caalimka akhwaan Muslimiin ee Taariq Ramadan

Booliiska Faransiiska ayaa su’aalo weydiiyay caalimka urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Taariq Ramadan oo sanadkii hore laba haweena ay ku eedeeyeen inuu huteel ku kufsaday.



Taariq Ramadan ayaa si kulul u cambaareeyay eedaha haweenkaas sheegayna inuu cadowgiisu ka dambeeyo uuna amrey in garyaqaankiisu galo hawsha, asagoona hadda wada dacwad ka dhana haweenka.

Labada haweena ayaa midi curyaan tahay halka ta kalana ay tahay naag hore u xirnaan jirtey jilbaabka weyn ee Carabta.



Taariq Ramadaan ayaa dhamaanba ka fariistey shaqooyinka uu wax beri jirey dadka inta sheekada kufsiga ay socoto.

Waxa iyana jirta haween kale oo Afara oo sheegay inuuku soo xadgudbtey. Dadka badankiisa ayaa qaba in sheekada Faransiisku ka dambeeyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.