X

Booliiska horjooge Siciid Deni oo raali gelin ka bixiyay fal anshax xuma ah oo ay ku kaceen

Booliiska Horjooge Siciid Deni ee degmada Qardho ayaa si anshax xumo ah u duubtey muuqaal goob magaalada Qardho ka baxsan halkaas oo dhalinyaro gabdho u badan ku cawaynayeen. Gabdhaha ayaa dab shitey kadibna ku raaxaysanayay hawada iyo naacowda dalkooda.


Waxase si qarsoodi oo anshaxa ka baxsan muuqaal uga duubtey booliiska degmada ee horjooge Siciid Deni, waxay kadibna ku faafiyeen baraha bulshada.

Waxa aad looga carooday falka anshax xumada ah ee booliiska horjooge Siciid Deni ku kaceen. ”Xagee ayay tegi lahaayeen dhalinyarada haddayna dalkooda ku nasan kuna raaxaysan ma dalkale ayay tagayaan ayuu yiri Cali Calasow.


Waxa isa soo taraya dhawaqa ah in la eryo booliiska muuqaalka duubey ee fadeexad isla lahaa uga dhig laakiin iyagii ay dib ugu soo noqotey waa hadduuna horjooge Siciid Deni farin arintaan.

”Waxaan raali gelinaynaa ehelada dhalintaas aan sida qaldan uga duubney, waxaanan ku daba joognaa cidii gelisay baraha bulshada. Waxay qirteen in isla iyaga tahay kuwa duubtey.


Dhawaan ayay ahayd markii dadka ku nool Butlaan la barayay dhaqamada sanam caabudka ah ee loo yaqaan Yoogada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.