X

Booliiska Ingiriiska qaybta argagixisada oo toogtey gabadh galayna guri Somali degan tahay

Booliiska Ingiriiska qaybta argagixisada ayaa toogtey gabadh galayna guri Somali degan tahay. Gabadhan la toogtey oo lagu sheegay in xaaladeedu degan tahay laakiin khatar tahay ayaa xidhneyd wejiqaris iyo dharka Carabta ee diraca madow.



Toogashada ayaa ka dhacdey xaafada Willesden oo Somali badan degan tahay.

Dadka jaarka la ah gurigan la galay ayaa sheegay in guriga ay degan yihiin Somali u muuqda Muslim caadiya inkastoo wajigu u qarsanaa oo la sheegi karin cida ay tahay. Waxa kale oo jaarku sheegeen in xaafadu tahay xaafad degan oo ayna fileynba in dad sidana degan yihiin.

Booliiska Ingiriiska qaybta argagixisada ayaa heegan ku jirey tan intii nin waalnaa uu gawaadhi jiirsiiyay dad iska socdey wadada inkastoo la diley oo aan la ogeyn ujeedadii ka dambeysay. Shalay ayay ahayd marki l;a qabyey nin dhalinyaro oo u ekaa dadka la duufsadey oo midiyo watey.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Khalid Maxamud Cumar Calli. Sirta laga helay ninkan ayaa keentay in booliisku daba raacaan oo taas o keentay in haweenaydan Somaliyeed ee 20 jirka ah la toogto.

Booliiska ayaa sheegay in ay joojiyeen KHATAR SI TOOSA u socotey. Xilli hore ayaa booliisku bas kala degeen haweenay kale oo wejiga qarsatey ayagoo la soo raacay baskaasi. Lama sheegin in haweenaydaas dharka Carabta ee Somalidu hadda xidhato xirneyd in ay iyadna Somali tahay.

Gabadha la toogtey ayaan welli la xidhin maadaama lagu hor daweeyay gurigeeda horteeda ayadoo ku qaylinaysay ha taabanina.

Waxa dhinaca la sheegayaa in baacsigan booliisku bilaabey ay la xiriirto lacago loo ururiyo argagixisada sumeysan ee Daacish ee Siiriya iyo wadamada kale ka dagaalanta.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.