Booliiska Itoobiya ayaa war kasoo saaray ninkii gubey aqalka wakiilka Somaliland ku leedahay Addis ababa. Usbuucii hore ayay ahayd markii dab la qabadsiiyay aqalka u dhisan sida safaarad ahaan.
Itoobiya ma aqoonsana maamulka Somaliland marka gurigasi ma noqon karo safaarad laakiin Somaliland ayaa ku sheegta guri safaarada ee ay ku leeyihiin Itoobiya.
Booliiska ayaa sheegay in nin ka soo cararay Hargeysa uu dab qabadsiiyay gurigan kadib markii uu dibedda uga soo dhacay wa sida ay booliisku sheegeen.
Booliiska oo qariyay magaca qofkan ayaa sheegay in uu qirtey dambiga sheegayna in Hargeysa loogu xoog sheegtay tana ay tahay abaalgudka. Qarashka ku baxaya dib u dhiska ayaa lagu qiyaasay ilaa 4000 oo doolar.
Ninkan ayaa markuu dambiga fuliyay booliisku sheegay in uu isa soo dhiibey. Waxa kale oo booliisku xaqiijiyay in ay qabteen nin waardiye ka ahaa gurigas oo markii dambe lasii daayay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay