X

Booliiska magaalada Burco oo sheegay inay qabteen gacan ku dhiigle

Booliiska magaalada Burco ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin gacan ku dhiigle oo suuqa Burco dhexdeeda ku diley nin kale. Lama sheegin sababta keentay inu qori adeegsado.


Ninkan dilka gaystey ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxase booliisku ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan. Gacan ku dhiiglaha ayaa lagu sheegay magaciisa Mustafe Axmed Cali.


Halka ninka uu dileyna lagu sheegay Cumar Cabdi Faarax. Ninkan ayaa la filayaa in la marsiiyo waxa ku waajibka, waxayna u taalaa qoyska dambiga laga galay waxay ka yeelayaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.