X

Booliiska magaalada Muqdisho oo war ka soo saaray hilib la qabtey

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray hilib la qabtey. Hilibkan oo gaari lagu wadey ayaa lagu qabtey bar xanibaad oo ku taal xaafada C/casiis oo booliisku lahaayeen.



Hilibkan ayaa hadda la ogaadey inuu qudhmey. Khamiistii ayaa degaanka Ceelmacaan waxaa lagu soo gubay raashin dhacay, iyadoo halkaasi lagu duugay hilib qurmay oo ciidamada ay ka qabteen Dakadda Magaalada Muqdisho.



“Arrimahaasi Hay’addaha amniga iyo Baaristooda ayaan ka war sugeynaa dadkaasi iyo wixii ka dambeeyay, sharciga ayaa la marsiinayaa, illaa aan si dhab ah uga ogaano qorshaha arrintaan ka dambeeyo kama hadli karno, dib ayaan ka soo sheegaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada C/casiis.

Dadka gaariga ku siday hilibkaan qurmay ayaa laga soo xigtay inay doonayeen Suuqa Degmada Xamar weyne inay ku iibiyaan, balse taasi suuragal ay u noqon wayday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.