X

Booliiska magaalada Muqdisho oo kala eryay dad ay soo abaabuleen kooxda

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa kala erysay dad ay soo abaabuleen kooxda sheegata madasha musharixiinta ee aadka ugu xumeyd xiriirkii Kiiniya loo jaray. Dadkan oo u badnaa dhalinyar aanba fahansanayn waxa ka socda ayaa kooxdu soo abaabuleen si ay ugu dul dheelaan dadka masaakiinta ee aan haysan xabada rootiga ayuu yiri Cali Calasow.


Kooxdan oo ku jira huteel ku yaala Muqdisho ayaa shuruudo badan jeebkooda kala soo baxay kadib markii heshiis lagu gaaray u dhexeeyay dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada. Horjooge Axmed Madoobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo iyo Siciid Deni ayaa ka baxay heshiiskii.

”Dibed-baxan fashilmay ayaa waxa ku baaqay fadhiid Xasan Sheekh oo qayb weyn ka ahaa dhisida maamul jufeedyada kadib markii uu ku fashilmey inuu Kiiniya ka hortago dhisida maamuka Axmed Madoobe ayuu yiri Cali Calasow.


Si kastaba ha ahaatee doorashada aqalka sare ayaa lagu wadaa inay maalinta Sabtida ka dhacdo magaalada Muqdisho.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.