X

Madaxda qaranka oo tacsi ka direy geerida fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan

Allaha u naxariistee waxa dalkaasi Jarmalka ku geeriyooday fanaankii weynaa ee Cabi Cali Bacalwaan oo la rumaysan yahay inuu haleekay cudurka Karoona. Fanaanka ayaa muddo u jiifay xanuunka. Bacalwaan ayaa taariikh dhaxalgala ku lahaa qaranka.


Alle ha u Naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan Askari) ka hor dawladdii Kacaanka.

Wuxuu ahaa heesaa , mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale .


Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka ayaa tacsida u direy ummada Somaliyeed. Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in fanaanku ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.