29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dil ay gaysteen booliiska Maraykanka oo markii ugu horeysay lagu farxay

Booliiska magaalada Kansas ayaa xaqiijay toogashada gacan ku dhiigle Hanad C/casiis oo 25 jir ahaa oo Jimcihii ku xasuuqay laba walaalo ahaa oo dhalinyar ahaa oo lagu kala magacaabo C/wahaab C/casiis 16 jir iyo C/raxmaan C/casiis oo 14 jir ahaa.



Labadan dhalinyarta ahaa ayaa la sheegay inay ka soo baxeen salaaada taraawiikhda xiliga uu diley gacan ku dhiigler Hanad C/casiis.

Bulshada Somalida oo booliiska u sheegay sida xasuuqu u dhacay ayaa dalbaday in hore laga dilo. Booliiska oo warkan haysta ayaa raadsaday gacan ku dhiiglahan, waxayna la kulmen isaga oo hub wata.



Booliiska ayaa kadib si toosa u toogtey halkaana ku diley. Hanad ayaa la sheegay inuu dilka gaystey kadib muran qoys ahaaneed oo aan la sheegin.



”Waa dil lagu farxay oo soo afjaraya masiibadan ayuu yiri nin ka mida dadk ayaqaanay dhalinyartaa aan ka bixin masjidka ee gacan ku dhiigluhu nafta dhaafiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS