Booliiska Muqdisho ayaa soo badbaadiyay ilma yar oo la afduubey. Magacyada ragga soo afduubtey ilmaha yar ayaa lagu sheegay Xasan Yaasiin Cabdi iyo Mahdi Tahliil Maxamuud.
Ilmaha ay ragaasi afduubteen ayaa da’diisa lagu sheegay afar jir waxana lagu dhex wareejiyay xaafada Hodan ayadoo ujeedadu ahayd in goob kale la gaysto.
Boliiska ayaa ku guulaystey inay ragaasi iyo ilmahaba gacanta ku soo dhigaan. Waxay booliisku sheegeen in si deg dega maxkamad loo keeni doono.
Lama oga in goobta ay rabeen inay ilmahan geeyaan iyo inay dalka ka saarayeen ama u istcimaalayeen siyabo kale.
Sawirka hoose ragga caruurta afduubey
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS