X

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigey rag waraaqo digniina ku daadin jirey magaalada: SAWIRO

Booliiska Muqdisho ayaa soo bandhigey rag waraaqo digniina ku daadin jirey magaalada oo uu ku jiro nin reer Muqdisho u yaqaanaan idaacada wareegta oo inta qajili jirey raga weriyeyaasha ee ka hadla idaacadaha reer galbeedka.

Goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka socday kulanka Todobaadlaha ee Ciidamada Booliska oo Khamiis kasta la qabto, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo saraakiil Boolis ah.



Waxyaabaha Saraakiisha Ciidamada Booliska ay soo bandhigeen waxaa ka mid ahaa Warqado been abuur ah oo ku aadan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Warqadaha digniinta ah ee argagixisadu faafiso.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha Booliska raggan Madbacadda ay warqadaha ku qori jireen in ay ku taallo degmada Dharkeynley, taasi oo lagu magacaabo INNA FATAX.



Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Booliska uga mahadceliyay howlgalka lagu soo qabtay raggan, maadaama ay qal qal gelinayeen ammaanka Muqdisho.




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.