X

Wasiirka amniga dawlada Somaliya oo saraakiil u hanjabey kadib dilal argagixisadu ka fulisay Muqdisho

Wasiirka amniga dawlada Somaliya ayaa saraakiil u hanjabey kadib dilal argagixisadu ka fulisay Muqdisho. Dilalkan qarsheysan ayaa ka dhacay xaafada Xamarweyne xilli magaaladu kala xidhan tahay.



Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waaya in Saraakiil badan oo ciidamada ka tirsan xilka inay ku waayi doonaan.



Wasiir Islow ayaa sheegay in illaa Axada loo baahan yahay in jawaab cad laga bixiyo ficilkaasi dhacay oo haddii illaa Axada jawaab la heli waaya dad badan xilka in laga qaadi doono.

 “Magaalada waa ay xir xiran tahay waxaan ognahay Baabuur dhib gaysto inuusan baxsan Karin, hadana Xamar weyne wixii ka dhacay in la dhaho baabuurka wuu baxsaday la iska yeeli maayo, aniga ayaa xilkayga ku waynaayo.” Ayuu yiri Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Argagixisada dilalka qorsheysan ee xasuuqa ah ka fulisa Muqdisho ayaa gacansaar la leh xataa booliiska magaalada ayado dilkaa ka dhacay Muqdisho uu ka dhacay meel waxyar u jirta saldhig booliis waxna ayna ka qaban.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.