Booliiska Norwey ayaa qabtey Qaad la soo geliyay dalka waxayna ka hadleen sida loo soo geliyay. Sarkaal u hadlay booliska turubataariyada oo lagu magacaabo Tor Gjermund Fredriksen ayaa shaaca ka qaaday in sannadkan gudihiisa oo keliya ay ku qabteen gudaha garoonka diyaaradaha Gardemoen 1.5 tan oo qaad ah kaas oo la doonayay in qaab qarsoodi ah lagu geliyo dalka.
Tan iyo sidii waddamada Ingriiska iyo Holland ay joojiyeen qaadka waxaa adkaatay qaabkii uu qaadka ku imaan lahaa qaaradda Yurub, waxaana ay boolisku Norway iminka sheegayaan in uu kaga yimaado dhankaas iyo waddamo carabta ka tisan iyo qaaradda Afrika.
Qaadka ayaa lacag adag ka jooga dalka Norway, waxaana uu ka mid yahay waddamada lacagta ugu badan dhanka qaadka laga sameeyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS