X

Kiiniya oo soo saartey liiska argagixiso ay raadinayso: SAWIRO

Kiiniya ayaa soo saartey liiska argagixiso ay raadinayso iyo lacagta ay dul dhigtey. Argagixisada shabaab iyo kuwa ay adeegato ayaa khalkhal amni oo diin ka fog ku haya afrikada Beri iyo caalamka.

Booliska ayaa soo bandhigay sawiradda shantaa nin oo lagu kala magacaabo Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.


Raggaan ay baadi goobayaan ciidamadda booliska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay yihiin amniyaad Al-Shabaab uga dhax shaqeyn rabo gudaha dalka Kenya.



Ciidamadda difaaca dalka Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa horay waxa ay u sheegeen in weerar ay iska kaashadeen ciidanka Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al- Shabaab oo lagu magacaabo Hassan Issack Ibrahim.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.