X

Booliiska Qubrus oo raadinaya gabadh Somali ah oo luntey ilaa Khamiistii

Booliiska jasiirada Qubrus ee u kala qaybsan Turkiga iyo Giriiga gaar ahaan magaalada Limasol ayaa raadinaya gabadh Somali ah oo guriga ay deganayd laga waayay ila khamiistii. Booliiska Ayaan garanayn halka ay ku maqan tahay.


Nimco Khaliif Cabdi waa 17 jir loo malaynayo inay tahay dadka Yurub u sii jeeda ee ku hakadey jasiirada Qubrus. Waxa jasiiradaa ka dilaacay kufsi loo gaysto dadka soo galootiga./


Waxa kale oo jira in haweenka soo galootiga ay ku shaqeeyaan bilaa lacag laalkiin intaan shaqada la siinba la kufsado oo ayna hadli Karin. Haweenaydan ayaa maqnayd ilaa 6 galabnimo ee Khamiistii markaas oo ay guriga ka baxdey.

Booliisku ma bixin faahfaahin ku saabsan heerka ay ku sugneyd ama nooca joogid ee ay dalka kaga sugneyd.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.