X

Xildhibaan Maryan Cariif oo dalbatey in Kiiniya dalka laga saaro

Xildhibaan Maryan Cariif oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Ciidanka dawladda Kiiniya ay maalinwalba burburiyaan Hantidada Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin Cid la xisaabtanta.


Xildhibaanada ayaa soo jeedisay in Ciidanka dawladda Kiiniya dalka si deg deg ah looga saaro maadaama dhibaatooyin Culus ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay joogaan.

Kiiniya ayaa dhibaato joogta ah oo uu ku Jiro kufsi kula kacda Somalida ku nool gobolka Gedo. Waxayna u jeedaa burburka dalka waana ta ugu wacan inay waxay rabto iska samayso.


Waxaa ay sheegtay in Kiiniya oo been ku soo gashay dalka kadibna dabada ku wadatey Axmed Madoobe, ay si cad ugu xadgudubtay Gobonimadda Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu dacweeyo Qaramada Midoobey.

Waxaa ay si deg deg ah u dalbatay in xukuumadda Soomaaliya ay la timaado qorshe Cad oo ku aadan falkaan ay waddaan Ciidanka dhiigmiiratada Kiiniya.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.