Wararka ka imaanaya dalka Ruwanda ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi ay magaalada Bugarama ku dileen sadex qofood oo lagu tilmaamay iney ahaayeen argagixiso.
Saddexdan qof ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Kooxda argagixisada Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kaddib markii boolisku ka war heleen inay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ay ka geeystaan dalkaasi.
Booliiska Ruwanda ayaa sheegay in mid ka mid ah saddexda qof ee la toogtay uu ka soo jeedo waqooyiga dalkaas Rwanda, isla markaana muddo sanad ka badan la la’aa islamarkaana boolisku ay baadigoob ugu jireen.
Toogasha booliiska ayaa timid kaddib markii booliiska dalkaasi ay baadi goob ugu jireen raggaasi la sheegay iney ka tirsanaayeen argagixisada shabaab. Booliisku ma sheegin dhalashada ay ka soo jeedaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay