X

Boorama oo lagu soo jabay maxaase ka jira in dahab ka buuxo

Waxa bilahan u dambeeyay lagu soo jabay dooxada Boorama ee bariga magaalada halkaas oo lagu sheegay dahab. Dadka qaarkood ayaa ka yimi Ceerigaabo. ”Awdal waxeeda Somali ayaa wada leh dhulka kalana dadka degan keliyaa leh ayuu yiri Cali Ceelaabe oo isagu muddo sadex cisho ka helay dooxada wax aan hal giraam gaarayn.


”Boqol doolar ayaan ka helay waxaan u fadhiyay sadex cisho oo rafaad xoogle ugu qabsaday ayuu raaciyay. Haddaba waxaad is weydiin kartaa dooxadan weligeed ayaa la mari jirey ee halkee dahabku ka yimi.


”Adeer dhulku waa dihan yahay oo RABI nimco ayuu ina hoos dhigey haddana nimcadaas ayuu dibeeda inoogu soo saaray wuxuuna inoo jeedaa inaan ducufo nahay ayuu yiri Xuseen Warsame.


Gobolkan Awdal oo leh buuro aad u farabadan ayaa hore loo cadeeyay inay ka buuxdo macdan nooc walba ah xitaa ay ku jirto tan ugu qaabilsan biraha iyo maarta.



Si kastaba ha ahaatee nimcadan RABI dadka u soo saaray ayaa u baahan in gobolku xajisto ilaa la helayo dal dhisan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.