X

Munaafaqada safiirada reer galbeedka oo welli aan la xakamayn

Waxa welli socota munaafadaqa safiirada reer galbeedka ay ka dhex wadaan siyaasiinta dalka. ”Waxa muuqata inaan welli si fiican loo xakamayn, waxaan aragnaa ayagoo la kulmaya maamul jufeedyada iyo wasiirada raacsan gunti giijiye Rooble ayuu yiri Cali Calasow.


Inkastoo geed lagu xiray waxay haddana markasta ka faaiideystaan khilaafka ay abuuraan kadibna iska dhigaan inay iyagu xalka wadaan ayuu raaciyay Cali Calasow.


Waxay ka dambeeyeen kala eryidii gudoomiyaha doorashada iyo kala diristii guddiga khilaafaadka oo hawshooda si fiican u watay, waxaanan shaki ku jirin inay sal u yihiin khilaafka maanta ka jira dalka ee uu horseed ka yahay gunti giijiye Rooble  oo ku fashilmay inuu doorashada soo afjaro.



Kama fursanayso in dhawaan la eryi doono haddayna joojin farogelinta ay ku hayaan doorashada dalka iyo nidaamkiisa ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.