X

Boosaaso oo roobku ka jaray magaalooyinka kale: SAWIRO

Xarunta ganacsiga ee Puntland isla markaana ah dekedda kaliya ee gobolada Bari iyo kuwa dhexe ee Somaliya ayaa ka go’an magaaliiyinka u dhow kadib roobkii habeen hore ee aadka loogu diirsaday ee ka da’ay inta badan gobolada Bariga iyo Sool.

Madax ku xigeenka Puntland ayaa qaylo dhaan u direy hay’adaha caalamka inay gurmad u fidiyaan dadka uu xanibay daadku. Wadooyin badan oo ka baxa Boosaaso ayaa daadku gooyay mana jirto gawaadhi mari karyta maadaama daadku welli socdo.

Nimcada habeen hore da’day ayaa deegaanada qaar aan ka di’in in muddo ah ayadoo dhawaan ahayd wixii laga cabanaayay abaar daba dheeraatay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.