X

Madaxweyne Farmaajo oo kulan saacado qaatey la qaatey Cabi Axmed: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa kadib shirkii bilaa faaiidada ahaa ee Sucuudiga uga qayb galay uu safar gaaban oo saacado qaatey ku tagey caadimada Itoobiya halkaas oo uu la kulmey raiisal wasare Cabi Axmed. Mudada uu joogey Addis ababa ayaa labada masuul isla soo qaadeen arimihii u dambeeyay.


Somaliya ayaa dacwad u gudbisay Sucuudiga ku aadan fatogelinta qaawan ee Imaaraadku ki hayo siyaasada dalka iyo sida uu u maalgeliyo kooxaha u guntadey ksla dhantaalida dalka.

Kulanka Cabi Axmed ayaa lagu lafogurey isla dacwada Imaaraadka uu ka gudbiyay iyo arimaha dhaqaalaha oo la sheegay inay kj jiryo sidii dhumaha shidaalka ee gaaska Somalida Itoobiya loo matin lahaa gudaha Somaliya.


Arinta Kiiniya ayaa iyadna la isla soo qaaday inkastoo loo baahdey in kulan kale laga yeesho oo ay codsanayso Kiiniya. Waxa ugu dambeyn Cabi Axmed laga soo xigtey in khariidadii la soo dhigey bogga wasaaradiisa ay isaga ka horeysay.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.