November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Boqolaal ay argagixisadu ka barakicisay Moosul oo war xun laga soo sheegay

Boqolaal ay argagixisadu ka barakicisay Moosul oo war xun laga soo sheegay. Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya xero ay ku jiraan dadka reer Ciraaq ee argagixisadu ku jirto guryahooda ayaa la sheegay in cudur ka dilaacay.

Xero ay dadku u qaxeen ayagoo cagaagan dharna kadibna markii argagixisada Sucuudigu taageero dhufeysyo ka dhigteen guryahoodii ayaa la sheegayaa in cudur halkaasi ka dilaacay caruur ku dhimatey.



Dadkan faraha badan ayaan haysan daawo iyo dhaqaatiir iyo cidkale oo caawisa kuna noqon Karin guryahoodii.

Wararka ayaa sheegaya in hay’ad Qadar laga leeyahay ay cunto ku soo diyaariyeen kadibna ay keeneen xerada ay masaakiintani ku jiraan loona qaybiyay dad farabadan.



Maadaama aan cuntada loo soo Karin si nadaafad ku jirto ayaa keentay in dadku ku sumobaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS