X

Yuusuf Garaad oo cadeeyay in madaarka Muqdisho kabaha iyo suunka looga saaray muxuuse ku tilmaamey

Yuusuf Garaad oo ka mida xubin lataliya Xasan Sheekh ayaa markii uGu horeysay ka hadlay sida loo adkeyay amaanka garoonka Muqdisho iyadoo kabaha iyo suunka laga saaray Muuse raaciyay oo loogu daray.

Yuusuf Garaad oo Kacawday Sida Logu Baadhay Madaarka Muqdisho ,6 baaritaan oo 5 ka mid ah la iga saaray kabaha, suunka iyo jaakada, 5 jeer oo magaceyga liis laga baaray iyo 8 jeer oo baasabboorkeyga

Yusuf Garaad  omar  oo Hore  ugu Tartamay Madaxwaynenimada Somalia  Sidoo kalana  Ah Xubin Baarlamaanka Somalia  katisan ayaa Waxa  uu Cabasho Kamuujiyay Sidii loola DHaqmay  intii uu Safar  ugu Soojiray Moqdisho to- Nairobo  oo 8  jeer  Sidaran loobaadhay, Waxa  uu Kutilmaamay Wixii  uu Lakulmay Bahdilaad   aan Waxbb Kataraynin Xoojinta Amaanka ; Waxana  uu Sheegay in aan Sidaad lobaadhin Wakhti uu Tagayay  Aqalka Cad  ee Maraykanka Looga  Taliyo    Qoraal uu Arintaas  kaga Hadlayay  oo uu Soo dhigay Bogga uu  kuleeyay Facebook ayaa Udhigna Sidan,

,,6 baaritaan oo 5 ka mid ah la iga saaray kabaha, suunka iyo jaakada, 5 jeer oo magaceyga liis laga baaray iyo 8 jeer oo baasabboorkeyga la iga qaaday si loo hubiyo ka dib waxaan gaaray Nairobi. oo aan dayaarad ka sii beddelanayo. Intaas ay tahay waxaa muuqda khaladdaad amni oo halis noqon kara.

Sidaa la iima baarin hadda ka hor mar aan tegey aqalka cad ee Washington iyo xarunta Gaashaandhigga Mareykanka the Pentagon iyo 2 jeer oo aan tegey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha UK.

Sidani si ma aha. Afkaar cusub ayaa loo baahan yahay oo lagu hor istaago qofka dad dilka u bisabisoonaya, dadka intiisa kalena aan lagu bah dilin safarkooda.

In Xamar 4 jeer lagugu baaro ka dibna laguu qaado Wajeer oo aadan u socon laakiin ay tahay in aad tagto si Kenyan kuu baaro inta aanad shar la imaan caasimaddooda, ka dibna Nairobi lagugu baaro sidii in intii ay dayaaraddu hawada ku soo jirtay oo aad Wajeer ka soo socotay aad hawada hub iyo walxaha qarxa aad ka soo qaadatay, meesha ma qabato.

Anigu dhib gooni ah ma qabin lkn qiyaas waayeelka, hooyooyin ka cuslaaday, bukaanka ikm. Runtii shakhsiyan si xushmad iyo qaddarin leh ayay iila dhaqameed dhammaan “wax” baarayaashu, siiba kuwa Soomaaliya.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.