Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa booqashadii ugu balaadhneyd ku tagey dalka ugu Muslimiinta badan aduunka ee Indooniisiya iyo sababta oo aan dad badan ka qarsooneyn.
Boqorka Sucuudiga oo qoyskoodu iska dhaxlayeen dalkan barakaysan ayaa Indooniisiya u tagey si ay gacan uga gaystaan dagaalka uu kula jiro Muslimiinta Yaman oo urur diimeedkoodu diinta ka saareen.
Indooniisiya ayaa hore u sheegtay in ayna ka qayb qaadan doonin dagaal Carabta la gasho Yaman laakiin sheegtay haddii ay khatar gasho xuduudaha Sucuudiga ay soo diri doonto ciidan.
Indooniisiya ayaa samaysata diyaaradaheeda waxayna xiriir fiican la leedahay dalka Ruushka, inkastoo xiriirka u dhexeeya iyaga iyo Austareeliya uuna fiicnayn.
Carabta uu Sucuudigu hogaamiyo ayaa dagaal u khaasa kula jira Muslimiinta Shiicada loogu yeero.
Boqorka waxaa la socda xamuul culeyskiisu gaarayo 459 tan oo ay ka mid yihiin baabuurta madaxda ee qaaliga ah nooca Mercedes-Benz S600 iyo wiishash, waxaana daabulka xamuulkaasi qandaraas ku qaadatay shirkadda PT Jasa Angkasa Semesta (JAS), iyadoo u diyaarisay shaqaale dhan 572 qof.
Dadka la socda boqorka Sacuudiga booqashadiisa dalka Indonesia waxay gaarayaan 1500 qof oo ay ka mid yihiin 10 wasiir, 25 Amiir iyo ugu yaraan 100 ka mida ilaalada gaarka ah ee Boqor Salmaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS



More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay