X

Boqorka Sucuudiga oo ka caraabay xeeb ku taal Faransiiska kana soo degay Marooko kadib markii uu u adkaysan waayay shacabka Faransiiska

Boqorka Sucuudiga oo ay la socdaan ilaa kun qof oo ah qoyska xukunka haya ayaa ka caraabay xeeb uu ku dalxiisayay oo loo xidhey isaga kadib markii dadka deegaanku ka muujiyeen cabasho ah in ayna tagi karin xeebtooda. Arji gaaraya boqolkun ayay kaga cawdeen in xuquuqdoodii lagu tuntey.

Boqorka iyo qoyska ayaa ka degay dalkaasi Marooko oo gabdhuhu xor yihiin halkaas oo ayna muran ka jirin in sidii la doono loo samayn doono.

Fadeexada ka raacdey boqorka Sucuudiga oo lagu sheego magaca bugta ee ilaalliyaha labada xaram ayaa dagaal diimeed kula jirey faqiiriinta Yamanta.

Boqorka ayaa loo dhisey wiish si toosa u gaysa biyaha taas oo hadda la amrey in sideedii lagu celiyo. Lama garankaro in uu dib ugu noqon doono Faransiiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.