Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ayaa safiiro badan oo uu ku jiro safiirka Somaliya ka gudoomey waraaqahooda aqoonsi. Boqorka ayaa ku qaabilay 21 Danjirayaal cusub oo wadamo badan ah hal mar ku qaabiley qasrigiisa ku yaala Yamaaha.
Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah Danjirayaasha laga guddoomay Warqadaha loogu soo magacaabay Xilkaasi.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Boqorka Sacuudiga kaga mahadceliyey Danjirayaasha uu qaabilay Taageeradda ay Dowladahooda u muujiyeen Dagaalka ka dhanka ah Kooxha loogu yeero Argagixisadda.
Boqorka Sacuudiga waxa uu Danjireyaasha ka codsaday inay Madaxdooda ka gaarsiiyaan Salaan iyo Mahadcelin.
Danjiraha Dowladda Kenya u jooga Sacuudiga, Maxamed Cabdi Maxamed oo ku hadlay Magaca Safiiradda Cusub ee uu Boqorka Sacuudiga qaabilay ayaa sheegay inuu Sacuudigu yahay dal Nabad ah, isla markaana ay ku yaallaan Labada Xaram ee ugu muhiimsan in lagu cibaadaysto.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![Ambasaador-Dahir-Mohamoud-Gelle-640x693[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/Ambasaador-Dahir-Mohamoud-Gelle-640x6931-277x300.jpg)
![danjirayaal0000[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/danjirayaal00001-300x165.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay