X

Boqorka Urdun oo sheegay inuu soo afjaray khilaafkii walaalkii

Ayadoo la sheegayo in Sacuudigu ka dambeeyay qaska Urdun ayaa boqorka ku raagay xukunka dalkaasi uu sheegay inuu soo afjaray murankii u dhexeeyay isaga iyo walaalkii ee ku saabsanaa xukunka.


Walaalkii oo laga xayuubiyay mansabka boqornimo sanadii 2004 ayaa sheegay in guriga ay ka jirto maamul xumo baahsan iyo eex aan loo aabo dayin.

ā€¯Maalmihii u dambeeyay aad ayay u xanuun badnaayeen waayo dalka dibed lagama soo weerarin waxase muranku ka jirey gudaha aqalka boqorku degan yahay ayuu yiri boqor Cabdallah.


Dhamaan wadamada jaarka ayaa taageero u direy Urdun oo ah dal faqiira oo aan lahayn kheyraad badan inta badana ku xiran Sacuudiga inuu ka taageero dhinaca maaliyada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.