X

Dayib Erduqaan oo kursi la’aan dhigey haweenayda madaxda u ah reer Yurub

Haweenayda madaxda u ah reer Yurub Arsala ayaa kursi la’aan ku dhacday xilli ay booqatay dalkaasi Turkiga oo ay la socotay madaxweynaha midowga Yurub. Haweenaydan oo u dhiganta kursiga raiisal wasaaraha ayaa markii dambe fariisatay kursi soofe ah.


Waxa laga soo xigtey waa sidee aaway kursigeygii ayadoo wejigeedu aad isku bedelay. Labadii nin waa is meeleeyeen oo laba kursi ayaa u yaala ana kursi la’aan la i dhigey.


Madaxweyne Dayib Erduqaan ayaa rajo xumo ka qaba ururka midowga Yurub ayagoo fulin waayay siyaasado badan oo ay ku heshiiyeen. Waxay Turkiga ka rabaan inuu qaato dhamaan shuruucda gaalada oo intooda badan ka dhaqan gashan Turkiga inyar mooyaane.

Xafiiska haweenaydan ayaa cabasho ka muujiyay kursi la’aanta inkastoo iyada lafteedu ka gaabsatey inay ka hadasho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.