X

Boqorka Urdun oo si gaara u qaabiley madaxweynaha Somaliya: SAWIRO

Boqorka dalkaasi Urdun ayaa si gaara u qaabiley madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo. Kulankan ayaa imaanaya xilli madaxweynuhu uu ka qeyb-galay shirka 28-aad ee Jaamacadda Carabta kaas oo shalay isugu yimaadeen madaxda ku bohoobay ururkaasi islamarkaana ka dhacay caasimadda dalka Jordan ee Cummaan.



Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo isbeddelka dalka Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay boqor Cabdullah isbeddalada iyo horumarka ka socda Soomaaliya.



Shirka Jaamacadda Carabta ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin arrimaha dagaalada Siiriya Liibiya, iyo Yaman  waxaana ay soo jeediyeen in dowladda Israel ay aqoonsanayaan islamarkaana ay xiriir wanaagsan la yeelanayaan haddii ay ka baxdo dhulkii falastiiniyiinta ee ay qabsatay wixii ka dambeeyay sannadkii 1967-dii.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xalka keliya ee nabad looga dhex dhalin karo Israel iyo Falastiin ay tahay in la yagleelo dowladda ay leeyihiin dadka Falastiinta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.