X

Raiisal wasaaraha oo casho la qaatey xildhibaanada golaha shacabka: SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya mudo gaaban kadib markii ay codka kalsoonida siiyeen wasiiradiisa cusub.



Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.



Mudane Kheyre ayaa salaamay inta badan xildhibaanada kahor xiliga cashada, waxaana uu jeediyay hadal uu si dheer ugu sheekeeyay marxalada ay dalka mareyso iyo qaabka ay tahay in si wada jir ah looga shaqeeyo maslaxada dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay’adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.