X

Brasil oo eriday tababarihii xulka qaranka ee Dunga

Brasil ayaa eriday tababirihii xulka qaranka kadib markii xulku ka hadhay ciyaaraha qaarada Amerika kuna hadhay wareegii hore. Xulka qaranka Brasil ayaa hoos u dhac weyni ku yimi ciyaartooda iyadoo sanadii 2014 lagu garaacay gurigooda lagana reebay ciyaarta kama dambeysta.

Erida Dunga oo hore u soo noqdey tababaraha xulka qaranka laba jeer kuna guulaystey bilado badan ayaa timi markii Brasil ay garaacday Peru oo aad u liidata sidaana ay uga hadheen koobka qaarada Amerika oo bilowday dhawaan.

Waxa la filayaa in loo magacaabo tababaraha kooxda Coritu=hies oo isagu ah ninka uGu horeeya tababareyaasha Brasil kuna guuleystay koobka naadiyada Brasil.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.