Hadaba waxa jira qoxooti aad u farabadan oo ka yimi Turki una badan wadamada dagaalku burburiyay ee argagixisadu gashay sida Afganistan, Siiriya iyo Ciraaq iyo wadama kale oo Afrikaana oo dhamaantood raba in ay ka sii gudbaan.
Qoxootiga qaar ayaa ka cowday sida loola dhaqmay iyagoo qaarkood sheegay in dib loogu celiyay Turkiga oo ay ka yimaadeen iyadoo la ogyahay in sharciga reer Yurub dhigayo in aan la celin Karin qoxootiga mar haday soo galaan dalka.
Bulgaria ayaa kordhinaysa siliga ay ku xidho xadka ay la leedahay Turkiga hakaasna ku xidhay kaamarooyin taabashada iyo hormarka wax ku duuba.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS