X

Burbur ku yimi horjoogeyaal dibedda laga taageero oo diidanaa horusocodka dawlada

Burbur ku yimi horjoogeyaal dibedda laga taageero oo diidanaa horusocodka dawlada. Mid ka mida horjoogeyaashaas oo ahaa Shariif Xasan ayaa is dhiibey manta kadib markuu arkey in ayna soconeyn musharaxnimadiisa.


Waxana isna markiiba is-casilay afhayeenkii kooxda horjoogeyaasha oo lacag uu siin jirey Shariif Xasan. Horjoogeyaasha sadexda ahaa ayaa hadda waxa ku soo haray Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Cabdiwelli Gaas ayaa dhowr mar hanjabaad beena ku yiri waa go’nayaa Puntland haddii Federaal la qaadan. Taas oo reer Puntland xataa u arkeen mid iska hadal oo ku daldali karaan.


Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato ayaa u muuqda inuu muddo sii habnjabi doono laakiin go’doon ku noqonaya Kismaayo maadaama uuna dhinac kale u bixin ama diyarad uu ku tago Garoowe oo kaliyaa u furan.

Sheekada Federaalka ayaa mardhow u muuqata in iyadna Somalidu ka tashan doonto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.