X

Shariif Xasan oo guuldaro awgeed iskaga tanaasuley musharaxnimadii Koofur Galbeed

Shariif Xasan ayaa guuldaro awgeed iskaga tanaasuley musharaxnimadii Koofur Galbeed. Shariif Xasan ayaa la sheegay in Imaaraadkii iyo Sucuudigii keeni waayeen lacagtii uu siin lahaa xildhibaanada taageersan si dib loo doorto taasina ku kaliftey.


Guuldarada Shariif Xasan ayaa waxa raacay afhayeenkiisa golaha Imaaraadka iyo Sucuudigu taageeraan ee ay ku jiraan Amed Madoobe iyo Cabdiwelli Gaas oo isna sheegay inuu iscasiley.

Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay inuu iscasiley kadib markii Shariif Xasan uu ka baxay saaxada siyaasada una ahaa sida cad ninka bixin jirey kharashaadka ku baxaya.


Guuldarooyinkan ayaa keeni kara xasiloni siyaasadeed si shacabka argagixisadu dishootey iyo dawlad xumadu bal ugu yaraan loogu adeego haday suuragal noqoto.

Maamul goboleedyada qaabka loo dhisay oo ah nooc aan cidina ka heshiin aya caqabad ku ah dawladnimada ay Somaliya guud ahaan u baahan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.