November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Burburka dalka iyo maamul jufeedyada dhirtii xaalufiyay oo keenay in geelli magaalada u soo dhir doonto: SAWIRO

Markaad Waydiiso Geel Jiraha Waxaa Kalifay In Uu Halkan Ku Hayo Waxuu Kuugu Jawaabayaa:- Waar Xoolahu Waxay Cuni Lahaayeen Waxaa Loo Badalay Ganacsi Oo Dhirtii Dhuxul Ayaa Laga Dhigay, Waana Ta Na Baday In Aanu Ciinka, Garanwaaga Iyo Tiinka Barno.

Akhriste Bal Eeg Geela Farmasiga Hortiisa Daaqaya Iyo Dhuxusha Sidda Bilaa Kaantaroolka Ah Loo Soo Daabulayo.

Ma Jirto Cid Xukumadan Mudadeedu Gabaabsiga Tahay ee Hargeysa fadhida Oo Ka Hadashay Hadday Tahay Maayarka Magaalada, Iyo Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga.

Inta Badan Waxaa Lagu Yaqiin Magaalooyinka Somalida In Lagu Dhex Dhaqdo Riyaha.

Haddase Waxaa Badalay Oo Magaalada Hargaysa Gudaheeda Ku Soo Badanaya Ku Dhex Dhaqashadda Geela.

Tusaale Ahaan Haddaad Doox Dhexdiisa Dhex Marto Waxaa Markiiba Arkaysaa Geel Fara Badan Oo Qaadaya Ciid Iyo Tiin.

dhuxul[1]

geel22[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS