X

Butlaan oo sheegatay hal kiis oo Kooro ah halka Maraykanka uu ka diley 40,000

Maamulka Butlaan ayaa sheegatay inay hal qof ka heshay cudurka Kooro. Waxay sheegtay in qofkaan aanu ka bixin Butlaan aysana sheegin sida uu ku qaaday. Hargabka Kooro ayaa Maraykanka ka diley 40,000 oo qof.

Raiisal wasaare Xasan Cali ayaa maanta la shirey qaybaha maamul goboleedyada ee caafimaadka kalana hadley halka ay wax marinayaan. Dawlada ayaa u dirtey maamulka Somalilaan khuburo u xirta mishiinka lagu baarayo.

Waxa kale oo dawladu gaarsiisay waxa yar ee soo gaara maamul jufooyinka oo ayna jirinba xarumo caafimaad oo tayo maadaama lacagta badankeena ay jaqaan xildhibaan jufeedyo aan shaqo hayn.

Butlaan ayaa qofka  laga helay ku sheegta 33 jir aan meelkale aadin laakiin ma sheegin inay cidkale kaaratiin gelisay kiiskan kadib haddayba jiraanba. Waxa kiisaska la baarayo la geeyaa Muqdisho.

Maraykanka ayaa ku soo labann labmey Talyaaniga oo hore u sidey rikoodhka Kooro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.