X

Iiraan oo sheegtay inay dhirbaaxo kaga jawaabi doonto qalad Maraykan sameeyo

Daraad ayay ahayd markii Maraykanku sheegtay in doonyaha Iiraan ay ku soo dhawaadeen Markab basaasa oo joogey xeebta Cumaan. Doonyaha Iiraan oo ilaa sadex ahaa ayaa u soo dhawaadey markabkaas basaaska si ay u hubiyaan waxa uu yahay.


Maraykanka ayaa ka cabaadey sheegtayna inay ahaayeen 11 doonyood oo ay ku rakiban yihiin qoryaha fudud laakiin ah doonyaha nooca dheereeya. Markabka Maraykanka ayaan haba yaraatee farogelin doonyahayaas asagoo ka baqaya in la dejiyo.

Inkastoo Maraykanku saldhig ku leeyahay jasiirad yar oo ku taal badda Somaliya iyo Hindiya u dhaxaysa, haddana wuxuu isku dayaa inuu yimaado biyaha Iiraan inkastoo baryaham uuna soo gelin cabsi darteed.


Haddaba Iiraan ayaa sheegtay inay jawaab kulul ka bixin doonto haddii Maraykanku sameeyo dhaqaaq qaldan oo tusta waxa Maraykanku yahay. Dabcan Maraykanka ayaan awood u lahayn inuu Iiraan kula dagaalamo badda.

Diyaarad cusub iyo gujis

Dhinaca kale Iiraan ayaa soo bandhigtey diyaaradaha aan is wadin oo wax ka dili kara masaafo dheer taas oo cabsi gelisay Taram iyo weliba gujis ku shaqayn doona motoor nukliyeera.

Haddii Iiraan samaysato gujis ku shaqeeya Nukliyeer waxay waxba la ‘aan ka dhigeysaa Markab kasta oo soo mara baddaha Somaliya ilaa Hindiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.