X

Butlaan oo sheegtay inay Boocame ka eriday ciidan deegaan taabacsan Somalilaan

Wararka ka imaanaya deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegaya in duhurnimadii manta ay yimaadeen ciidan deegaan taabacsan maamulka Somalilaan laakiin markiiba dib uga baxeen magaalada.


Butlaan ayaa shegatay inay ka eriday ciidankaas halkaas soo galay oo la xaqiijay inay joogeen saacado kooban. Siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa kolba dhinac u carara ayagoo fiiriya halka shilinku ku Jiro ee aan fiirin qadiyad.


Boocame ayaa ka mida meelaha ay ka taliyaan Khaatumo ee uu ka Jiro maamulkoodu inkastoo Butlaana sheegato. Maaha markii ugu horeysay ee Boocame ay isla yimaadaan laba maleeshiyo beelood oo kala taabacsan maamulada hareeraha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.