X

Colaadii macdanta gobolka Sanaag oo welli la xalin iyo dhimasho jirta

Waxa dagaal goos goosa markale dib uga qarxay buulayda gobolka Sanaag halkaas oo ay isku cunayaan dhalinyarta beelaha Isaaq iyo Warsangeli (Daarood) oo iyagu wada dega deegaanka. Dhawaan ayaa la kala dhexgalay haddase waa soo cusboonadey sida ay sheegeen waxgaradka deegaanka.


Waxa is rasaasayn ku dhintey hal qof oo ka mida kuwa is tooganaayay halka laba kalana ay yihiin dhaawac. Waxa la isku haystaa macdan aan badneyd oo soo raacda biyaha ka yimaada buuraha.

Gobolka Sanaag qaybtiisaa buuraha ayaa ah dhul barwaaqo ah oo laga samayn karo mashruucyo badan. Dhinaca macdanta ayaa la ogaaday dhawaan inay ku jirto.


Waxa markale ku baxay odayaal ka tirsan labada dhinac si iscunkaan xal looga gaaro waxase muuqata in markii hore lagu guulaysan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.