X

Buuhoodle nooguma jirto diiwangelinta laga bilaabayo gobolada ka tirsan Sool: UURCADE

Waxa war bixintan lagu sheegay meelaha la maray,meelaha aan la marin iyo sababta loo mari wayay oo ahayd xalada nabadgalyada oo aan suure ka dhigayn,waxa kale oo Gudiddasi talo ku soo jeedisay in wax laga qabto deeganada tabashadu ka jirto inta ka horaysa bilawga diiwan galinta codbixiyayaasha.

Waxa hada laga jooga mudadaa gudidu soo sartay war bixinta afar bilood iyo badh,wax dhaqaqayna ma jiraan ilaa hada oo Xukumadii talada loo gudbiyay wax talaabo ah may qaadin ilaa maanta,wax hada u qorshaysana may sheegin oo ay qaadayso,waxaana muuqata inaanay waxba ka qabanayn arimaha ka tagan Degmoyinka Buhodle,Badhan,Taleex, Dhahar oo intuba u bahan in durufahooda siyaasadeed wax laga qabto.

Degmada Buhoodle waxay ka mid ahayd meelaha aan gudidu tagin sababo amni awgeed, hadana Xisbiga WADDANI waxa uu aminsan yahay inaanay qayb ka mida Buhoodle hada raaci Karin diiwan galinta ka qorshaysan inay ka bilamanto bisha JANAWARI badhtankeeda Gobolka Togdheer.

Waxa kale oo Xisbiga WADDANI ka soo hor jeeda,aqbalina Karin in laysku xidho degmada oo dhan oo ay qayb ka mida doorasho iyo diiwaan galin kasta oo wadanka ka qabsonta ka dhici jirtay iyo qaybta kale ee aanay hore marnaba waxba uga suuro galin doorasho iyo diiwan galin midna.

Waxa Xisbiga WADDANI cabsi ka qabaa muwadiniinta u diyaarka ah inay diiwangalinta ka qayb qaatan ee sifo aan sharci ahayn looga joojiyo iyada oo dano siyaasadeed lagu marin habaabinaayo xuquuqdoda is diiwan galineed ,waxa ka iman kara.

Gobolada Sool iyo Sanaag Ayaan iyaga lagu xisaabtami Karin taas o ka dhigin in maamulka Somaliland ee sheganaya dhulkaas ay quus ka joogaan hadda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.