X

Caaqil beesha reer Nuura (Samaroon) oo raaligelin ka bixiyay hadalo saxaafada loo mariyay Prof Saleebaan iyo xukuno dhici doona

Caaqil ka tirsan beesha Nuur (Samaroon) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu ka xumaadey in beesha saxaafada isaga jawaabo hadalana isku mariso. Waxayna bixiyeen raaligelin.

Wuxuu kale oo uu sheegay in la sii daayay C/raxmaan Shide. Waxay hoosta ka xariiqeen in xukun u yaalo ninkii reer Nuura ee ku kaca talaabo ka dhana dad kale ama isla beesha dhexdiisa hadalo saxaafada laysku mariyo.

Sheekada ninkan la xirey ayaa keentay in beesha qaarna taageeraan qaarna ka soo horjeesadan isla markaana loo gudbo arimaha la xiriira Jaamacada Camuud.

Hadalada ka soo yeeray waxgaradka ayaa soo xirey murtanĀ  beesha dhexdiisa ah iyo mid ku wajahnaa Prof Saleebaan. Caaqilka ayaa sheegay in uu uga digayo cid dambe oo aan isaga wax ka soo waydiin in ay hawada jawaabo ka soo mariyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.