X

Caasimada Bakistaan ee Islamabaad oo markii ugu horeysay yeelatay basas casriya oo la raaco+SAWIRO

Islamabaad waxay ka mid tahay caasimada ugu shanqadh yar aduunka waxana degan dad lagu qiyaasi karo nus milyan iyadoo magaalada mataanaha ay yihiin ee Rawalpindi ay ka matalayso nolosha dhabta ah ee Bakistaaniinta inkastoo ay xarun u tahay haykalka ugu muhiimsan Bakistaan ee ciidanka qaranka.

Islamabaad ayaa waxa soo gala basaska sharaxan ee lagu sameeyo Bakistaan mana jirin basas casri oo dadku raaci karaan ama soo jiidan kara dalxiiseaasha tirada yar ee dalka booqda. Islamabaad ayaa dadka degani u badan yihiin dad hantiiley ah isla markaana ku jiraan dhamaan qaybaha dawlada.

Raiisal wasaaraha Bakistaan Nawaz Shariif oo lagu yaqaan dib u dhiska dalka siiba wadooyinka, iyo casriyeynta dalka ayaa basas aad u farabadan oo casri ka soo iibiyay dalkaasi Turkiga,,waxa la bilaabey in la baro Bakistaaniinta sida loo wado loona isticmaalo,,basaskan ayaa iskaga kala gooshi doona labada magaalo ee mataanaha ah ee caasimada Islambaa iyo mataanteeda Rawalpindi oo uu ku yaalo madaarka weyn ee Islamabaad.


admin:

This website uses cookies.