X

Caasimada Ruushka oo lix daqiiqo oo cadceeda heshay bishii hore: SAWIRO

Caasimada Ruushka ee Moosko ayaa lix daqiiqo oo cadceeda heshay bishii hore ee Diisambar. Qaboobaha dalkaasi Ruushka ayaa ka mida kuwa ugu qabow wadamada Yurub.

Waxase batey dadka dhaqaatiirta u tagaya ayagoo ka cabanaya xanuuno aan hore u hayn oo inta badan ay keenaan cadceed la’aanta. Xilligii xagaaga ayaa sidoo kale roobku badnaa cadceeduna yarayd.



Dadka Ruushka ayaa intooda badan qaboobaha ka carara ayagoo taga wadamada Masar iyo Turkiga iyo waliba dhulka qoraxda leh.



Qaboobaha sanadkan ayaa gaaray aduunka heer cusub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.