X

Caasimada Somaliya wali ma ka soo kabatay burburkii ay gaysteen kooxihii kala duwanaa ee soo maray: ARAG SAWIRO

Caasimada Somaliya oo aan wali ka soo kaban burburkii ay u gaysteen argagixisada iyo kooxihii indhaha lahaa ee ku dagaalamay sagaashanadkii. Waxaan sawiro idiinka soo qaadney wadooyin ka mida magaalada sida jidka sodonka iyo meelo kale oo ka mida magaalada.

Gaadiidka uma suuragalayso inay wadada maraan, oo waxa ay maraan gaadiidka Xaafadaha dhexdooda, halkaasina waxa ay ku qabaan dhibaatooyin aanan la soo koobi Karin.

Wadada xiriirisa Isgoyska Bakaaraha ilaa Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa ayaa ah mid aad u bur bursan oo gaadiidka aysan mari karin, waana inta ugu daran ee dhibaatada adag lagu qabo.

Waxaan ka shaqeynaa Wadada wadnaha oo bur-bursan waxaan marnaa xaafadaha ka ak dhaw laamiga, mararka qaar waxaa dadka ay naga xirtaan xaafadaha aan mareenno waxaan dowladda ka dalbaneynaa in ay noo hagaajiso wadada ama ay Booyadaha biyaha Dhuuqa ay noo soo dirto.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.