X

Caawa laga bilaabo lama shaqayn karno Rooble: Madaxweyne Laftagareen

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa caawa si cad u sheegay inuu Rooble Baahane dulqaadkii ay dulqaadan jireen uu hadda dhamaaday caawa laga bilaabana aanu dalka u hayn doonin doorashada.


Hadalka madaxweynaha oo cadaa ayaa yimi markii Rooble Baahane si cad u farogeliyay mar labaad guddiga doorashada iskuna dayay inuu keensado shaqsiyaad cusub, isla markaana amray taliyihii booliska ee diiday laaluushka inuu amarka u fuliyo.

Hadalka madaxweynaha ayaa sidan u qornaa


Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.


Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.



Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.