X

Waxgarad ka digey in lacagta deeqda loo gacan geliyo Muuse Handaraab

Waxa maamulka horjooge Muuse Handaraab ku soo dhacaya jeebkooda lacag malaayiina oo ujeedadu tahay in loogu gargaaro dadkii masaakiinta ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartey dabkii suuqa Hargeysa baabiiyay.


ā€¯Sharaf dhac ayay nagu tahay haddii shilinkaa ugu yaraan ka imaanaya Somaliya naloogu dhiibo horjooge Muuse Handaraab oo durtaba u hanqal taagaya inuu jeebka ku shubto ama ugu yaraan eheladiisa u dhiibto ayuu yidhi Xuseen Warsame.


Dadkii lacagahan ay ka yimaadeen waxaan u sheegaynaa ilaa inta aan helayno guddi xalaala iyo keyd xalaala aan shilin dambe la soo dirin ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Durtaba waxa jira guux iyo ayadoo la is leeyahay lacagta igu soo wareeji.


Guddi ku sheegan aan hab yaraatee lahayn wax tayo ayaan aqoon u lahayn sida loo maamulo arimahan sidan u baaxada weyn ayuu qabaa Xirsi Warfaa. Waa khasab in la helo dad u jajaban haw;aha noocana.



Waxa cad in si musuqa loo maamuli doono amaba la waayi doono halka ay martey ugu yaraan 15 milyan oo ka timi Somaliya ayuu qabaa Xirsi Warfa. Waa muhiim inaan lacagtaas gacanta u gelin Muuse Handaraab.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.